- reset +
BATALAALE
Home

Welcome to the Frontpage

Wixii ka soo baxay shirkii labada gudi ee qabsoomay 29.01.2012

PDFPrintE-mail

Written by Administrator Thursday, 02 February 2012 20:15

Møtested/: Grønnland postkontor.:  Goobta:  Grønnland-Xafiiska Boostada
Dato:29.01.2012, Kl: 15:00- 18:00                  : Taar: 29.01.2010, Saac: 15:00-18:00

Kulankii Batalaale ee labada gudii (fulinta iyo Talobixinta).

Gudida fulinta waxaa goob joog ahaa xubnahan.
1). Gud. Cabdirashiid Meygaag
2). Faysal Hashi.
3). Hassan Daad
4). Khadra dirie.
5). Axmed Yaasin.
6). Hassan reygal

Gudida talo bixinta waxaa goob joog ahaa.
1). Ismail Ali
2). Ahmed Beegsi.

Qodobada laga wada hadlay waxay ahayeen kuwan hoose.
1). waxaa  laysku af gartay in gudida fulintu dhexdeeda hawlaha qabyada ah ay sida u dhakhsaha badan u dhamaystirto, sida inay buuxiso xubnaha dhiman iyo kala wareejinta dhaqaalaha ururka oo ah inay xubnaha cusubi la soo wareegaan.
2).   In la diro lacagtii kirooyinka xafisyada wadankii ee ururka, taas oo noqonaysa saddexdii biloodba mar sidii shirkii kan ka horeeyay laysku af gartay in la israaciyo, lagtaas oo noqonaysa (750$) si dhakhso ahna loo diro.
3). In qodobkii ahaa qaabka loo maaraynayo ama loo gelaayo hawsha wadanka laga qabanaayo laysku raaco si dhakhso ah, layskagana yimaado tii oo intaas laga badan yahay. Hadii kale oo ay iman waayan xubnaha shirarka ka maqani in sida sharcigu dhigaayo inta xubnaha ka joogtaa iyagu sida ay ka fursan weydo hawlaha ururka iyagu u fuliyaan.
4). In gudida talo bixintu  hab-dhaqanka ah maqnaanshaha ama habsanka badan ee shirarka wax ka bedesho, si ay hawlaha gudida fulintu wadaan u fududaato u hawl gelistoodu.
5). Warbixintii ururka kulan ee laga sugaayay Ismaacil Cali iyo Axmed  Beegsi,  waxaa laysku af gartay in tii oo la raacaayo sharcigii labada xubnood ee  hore ugu  yaalay, la lafa guro arinka ay batalaale ku soo celiyeen waxaa laga yeelaayo, tii oo labada guddi u dhan arinkaas.
 
Gudoomiyaha ururka batalaale
Abdirashid Maygaag.
 
Last Updated on Thursday, 02 February 2012 20:28  

MØTE INNKALELSE (Shirkii labad gudi ee bilaha ahaa)

PDFPrintE-mail

Written by Administrator Tuesday, 24 January 2012 09:01

Batalaale Norway
Møte innkalelse 

Møtested/: Vi møtes på Grønnland postkontor.:  Goobta:  Grønnland-Xafiiska Boostada
Dato:29.01.2012, Kl: 15:00- 18:00                  : Taar: 29.01.2010, Saac: 15:00-18:00

Møten er både for (G. Fulinta) og (G. talobixinta):  Shirku wuxu khuseeyaa G. Fulinta iyo G. Talobixinta.
Som sagt er det viktig at alle møter opp på tiden, setter pris på at dere gir beskjed om dere ikke kommer. Husk at det er obligatorisk møte.
Sidaad ogtihiin waa mihiim in aad wakhtiga ilaalisaan, fadlan fariin ha lagaa helo hadii aanad iman karin. Xasuusnoow in shirku yahay mid waajiba.
Saksliste:  Qodobada laga hadli doono:
  • 1. Utfylling av styrets ledige plasser :  In la buuxiyo boosaska ka banaan G. Fulinta
  • 2. Oppfølging av organisasjonens planer og det som ble diskutert i forrige møte, eller som sagt prosjekt planlegging i Somaliland.  In dib loo jaleeco qorshayaasha ururka iyo waxyaabihii la falanqeeyay kulankii hore, ama sidii la yidhi qorshaynta mashruucii Somaliland.
  • 3. oppføling av nye bidragsgivere : In loo hawl galo deeqbixiyaal cusub.
  • 4. informasjon om Kulan styret, Ismail Ali og Ahmed Beegsi : Warbixin ku saabsan maamulka KULAN, Ismail Ali iyo Ahmed Beegsi
  • 5. Annet: Wixii kale ee la hayo
 

Gudoomiyaha ururka batalaale
Abdirashid Maygaag.
Last Updated on Tuesday, 24 January 2012 09:16  

SHIRKII LABADA GUDI EE QABSOOMAY 18.12.2012

PDFPrintE-mail

Written by Administrator Thursday, 22 December 2011 19:13

18122011163 
Kulanki Batalaale ee G.fulinta iyo G. talobixinta.
Tarikhda/Wakhtiga: 18.12.11, 1530- 1730 
Gobta: Grønland postkontor.  
Gobjoogayaal: Ahmed Beegsi, Sicid M. Amin, Xasan daad, Faysal J. Hashi, Abdirashid Ax.,Khadra Diriye, Samira C/raxman, Saynab Abdi, iyo Nuura Xuseen (marti).
Qodobada shirka: 
1.     Qodobka 1aad ooahaa in la soo buuxiyo sadex (3) xubnood oo ka dhiman G.Fulinta, kuwaas oo kala ah: Agaasimaha dhaqaalaha, Madaxa «Dugnadka» iyo Masuulka Qalabka Ururka ayaa waxa laysku raacay in ay G. Talobixinta ee ururku soo magacaabaan oo ay shaqadoodii tahay. Waxa kale oo ay G. Fulintu soo jeediyeen in ay u baahanyihiin 3 xubnood oo ka mida G. Talobixinta oo ula shaqaysa si joogta ah taana looga fadhiyo Gudida Talobixinta.
2.     Qodobka 2aad ee laga hadlay waxa uu ahaa BATALAALE SOMALILAND. Mudo (6) lix bilood laga joogo waxyaabihii u qabsoomay xubnaha Batalaale ee Somaliland:
a.  208 xubnood oo Hargaysa iyo Berbera ah ayay maryaan mudadaas 6da bilood ah.
b.  Lacagta ay soo xareeyeen: $1,338 (kun sadex boqol iyo sideeyo sodon doolar).
c.  Kharashaadka ay isticmaaleen mudadaas: $ 780 (Todoba boqolyo sideetan doolar)
d.  Cash-ka (Lacagta) ay soo direen ee ku dhacday AKOONKA GUUD:  $ 578 (Shanboqolyo sideedyo todobaatan doolar).
e. Furistii xafiiska Berbera oo qalabkiisii u dhanyahay. La wareegistii
xafiiska Hargaysa oo qalabkiisii u dhanyahay. Wacyigalin balaadhan Hargaysa iyo Berbera. Wareejintii Fidriga ee Cisbitaalka Dhimirka. Dhar kala duwan oo ay u iibiyeen dadka bukaanka ah ee cisbitaalka.
Maxaa loo baahanyahay?
Waxyaabaha laysku raacay wax ka mid ahaa in Batalaale Somaliland loo diro $ 250 (laba boqolyo konton doolar) bil kasta (laga bilaabo January 2012) oo noqda kharashaadka kala duwan ee ay isticmaali doonaan, xisaab celintana ay iyagu soo sameeyaan. Wixii dakhli ee soo galana ay sideeda ugu shubaan AKOONKA GUUD si ay xisaabtu u fiicnaato. Waxaana laysla qaatay in 3 sadexdii biloodba mar loo qadimo si ururka sumcadiisu u fiicnaato oo aan kirooyin loogu lahaanin. Waxaana la ogaaday in Cabdi Cilmo iyo Cabdi Axandoon kharash badan jeebadooda ka bixiyeen mudadii ay hawlaha wadeen, sida telefoono iyo shidaalo ay isticmaaleen. Waxa intaa dheeraa qalabayntii xafiiska Berbera oo ay ku deeqeen qalab aad u qaali ahaa.
Waxyaabaha kale ee laga hadlay waxa ka mid ahaa in xubnaha dalkii hooyo jooga ee ururka Batalaale loo sameeyo dhiiri galin iyo kulmo ay isuugu yimaadaan oo qado. Sidoo kale xubnaha Norway in ay ku kulmaan goobo ay ku wada casheeyaan habeenada qaarkood. Waxa kale oo laga wada hadlay in xubnaha ururka ee Norway uu qof waliba la xidhiidho qof wadankii jooga oo uu ka codsado in uu ku biiro ururka Batalaale oo qaadhaanka $2 labad doolar ahna iska bixiyo.
Last Updated on Friday, 23 December 2011 01:28

Read more...

 

Ogaysiis: Shirkii Bilaha Ahaa ee U. Batalaale Norway

PDFPrintE-mail

Written by Administrator Monday, 12 December 2011 09:34

Batalaale Norway
Møte innkalelse 

Møtested/: Vi møtes på Grønnland postkontor.
Dato:18.12.2011, Kl: 15:00- 17:00

Møten er både for (G. Fulinta) og (G. talobixinta).
Som sagt er det viktig at alle møter opp på tiden, setter pris på at dere gir beskjed om dere ikke kommer. Husk at det er obligatorisk møte.
Saksliste:
  • Utfylling av styrets ledige plasser.
  • Batalaale, SL
  • Batalaale tomten i SL
  • Diskutere organisajonens planer (Kritikk fra medlemmene øker).
  • oppføling av nye bidragsgivere

Gudoomiyaha ururka batalaale
Abdirashid Maygaag.
Mobil:45812836.
--
Aswrwb/ Mvh/ Sincerely
Batalaale development organization

www.batalaale.com
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
+47 45812836/ +47 98825281

Last Updated on Monday, 12 December 2011 09:37  

TACSI KU SOCOTA CABDI CILMI GUULEED OO AABIHII KU GEERIYOODAY LONDON HABEENKII XALAY

PDFPrintE-mail

Written by Administrator Thursday, 01 December 2011 09:20

GUDOOMIYAHA URURKA BATALAALE (C/RASHIID) IYO G. KUXIGEENKA BATALAALE (SAMIIRA MUUSE), SIDOO KALE DHAMAAN XUBNAHA IYO GUDIYADA KALA DUWAN EE URUR WAYNAHA BATALAALE DAL JOOG IYO QURBA JOOGBA WAXAY TACSI U DIRYAAN MUDANE CABDI CILMI GUULEED (masuulka ururka ee Somaliland) OO AABIHII CILMI GUULEED KU GEERIYOODAY CARIGA INGIRIISKA (LONDON) HABEENKII XALAYTOOLE. 

 

WAXA AANU ILAAHAY UGA BARYAYNAA MARXUUNKA IN UU ILAAHAY U NAXARIISTO, JANATUL FARDUUSANA KA WARAABIYO. INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN. SIDOO KALE WAXAANU ILAAHAY KA BARYAYNAA IN SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO AABO CILMI GUULEED DHAMAAN QOYSKII, QARAABADII, EHELKII IYO ASXAABTII UU KA BAXAY.  AAMIIN.....AAMIIN.....AAMIIN............

 

URUR WAYNAHA BATALAALE

 

Last Updated on Thursday, 01 December 2011 09:36  
 
<< Start < Prev 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 Next > End >>

Page 1 of 11